Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waayi doonta lix ciyaartoy oo muhiim ah kulanka adag ee caawa ee ay Chelsea ku martigelinayaan garoonka Anfield, taas oo ay u baahan yihiin inay saddexda dhibcood ka qaataan, si ay u xaqiiqsadaan inay kusii negaanayaan hoggaanka horyaalka Premier League.
Reds ayaa waxay 17 dhibcood ka horreysaa Chelsea oo xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku dhibaatoonaysa garoomada, laakiin Jurgen Klopp ayaa tabi doona xiddigo muhiim ah oo aan kulankan joogin.
Liverpool ayaa dib u heshay Andy Robertson, Dominik Szoboszlai iyo Trent Alexander-Arnold kulankii Norwich City ee FA Cup ee ay guusha 5-1 ah soo gaadheen, laakiin waxa mar kale dib uga dhaawacmay khadka dhexe ee reer Argentina ee Alexis Mac Allister oo ka maqnaaday tababarkii Axaddii ee kooxdiisa.
Jurgen Klopp ayaa go’aan ka gaadhi doona Mac Allister oo shalay dib ugu soo laabtay tababarka, laakiin la qiimayn doono xaaladdiisa, sidoo kalena waxa tababarka kusoo noqday Thiago Alcantara oo muddo toban bilood ah ka maqnaa garoomada, laakiin u baahan waqti uu jidh ahaan si buuxda ugu soo kabto.
Waxa kale oo Liverpool dhaawac kaga maqan xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo kusoo dhaawacay ciyaarihii qaramada Afrika ee uu dalkiisu kaga hadhay wareegga 16ka, iyadoo Salah uu laba kulan oo kaliya dheelay tartanka.
Waxa kale oo Liverpool ka maqan Wataru Endo oo xulka qarankiisa Japan kala qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Asia, Stefan Bajcetic, Ben Doak iyo Joel Matip.
Halkan kaga bogo
Goolhayeyaal: Adrian, Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaaca: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk.
Khadka: Alexis Mac Allister, Curtis Jones, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Ryan Gravenberch.
Weerarka: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Luis Diaz.