Tababaraha Austria Ralf Rangnick ayaa muujiyay sida uu uga naxsan yahay ka haritaanka Euro 2024 ee ay sababsadeen gacanta Turkiga, taasoo keentay inay ku guuldareystaan inay rumeeyan riyadooda beegsida wareega 8da.
Rangnick waxa uu sheegay in kooxdiisu ay ciyaartay afar kulan oo aad u adag isla markaana ay u qalmeen in ay u soo baxaan wareega 8 dhamaadka laakiin ay ku waayen riyadooda difaacooda liitay ee keentay in xilli horaba shabaqooda la gaaro.
Merih Demiral ayaa labo gool ka dhaliyay Austria halka goolka madiga uu u dhaliyay Michael Gregoritsch.
Xulka Austria ayaa ilbiriqsayadii ugu dambeeysay heshay fursad dahabi ahayd kadib markii uu madax awood badan uu goolka la dhacay Christoph Baumgartner, laakiin waxaa si cajiib ah u badbaadiyay goolhaye Mert Gunok.
“Haddii aad ka danbeyso labo gool, markaas arrimuhu ma fududa.
Kooxdu waxay isku dayday wax walba. Kadib waxaan dhalinay hal gool, waxaana helnay waqti nagu filan oo aan ku gaarno barbaro” ayuu Rangnick ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
“Way adag tahay haddii aad Gordon Banks ku haysato goolka,” ayuu yidhi, isaga oo barbar-dhigay badbaadinta Gunok iyo tii caanka ahayd ee uu goolhayihii hore ee England ka badbaadiyay kubbad madax ahayd uu halyeeygii Brazil Pele la dhacay Koobkii Adduunka 1970kii.
“Waxaad u baahan tahay xoogaa nasiib ah. Haddii Baumgartner fursadiisa madaxa ay dhalan lahayd waan badin karnay kulankaan,” Rangnick ayaa yiri.
“Tani waxay ahayd fursad taariikhi ah oo aan ku guuleysan karnay, inaan aadno wareega 8da oo aan la ciyaarno Netherlands.
Ma rumaysan karo inaan maanta gurigeena aadeyno.
Waxaan u malaynay inaan safarkayaga halkan ka sii wadi doono,” ayuu yidhi.
Rangnick waxa uu sheegay in kooxdiisu ay hadda tahay inay ka faa’iidaysato dardargelintooda oo ay xaqiijiyaan u soo bixitaanka Koobka Adduunka, kaasoo noqon doonta markii ugu horreysay tan iyo 1998-kii.
“Hadda waxaan ku jirnaa qeybta koowaad, taasina ma dhicin sanado, in aan ku jirno qeybta koowaad oo aan dooneyno inaan sii joogno.
Waxaana heysanaa fursad wanaagsan oo aan ugu soo bixi karno Koobka Adduunka sanado badan ka dib,” ayuu yiri.
Austria kama gudbin wareega 16ka Muddo Laga Joogo 70 sano.