Raheem Sterling ayaa wacad ku maray inuu soo laaban doono isagoo 10 jeer ka xoog badan sidii hore ka dib markii ay ooriyeen taageerayaasha Chelsea kulankii FA Cup ee ay ka badiyeen Leicester City.
Blues ayaa buukimatay booskeeda semi-finalka FA Cup ka dib markii ay 4-2 ku garaaceen kooxda hogaamineysa horyaalka heerka labaad oo marti ku aheyd Stamford Bridge.
Chelsea ayaa labo gool ku hormartay ka hor inta aysan Leicester City ciyaarta ku soo laabanin oo aysan barbareynin laakiin labo gool oo xilli danbe ah oo ay Blues dhalisay ayay ku xaqiijisteen booskooda semi-finalka.
‘Taageerayaasha Chelsea ayaa soo bandhigayay dareenkooda intii ay ciyaarta socotay, iyagoo ku dhahayay Pochettino: “Ma garaneysid waxa aad sameyneyso” ka dib markii uu bixiyay Mykhailo Mudryk qeybtii labaad.
Raheem Sterling oon rigoore qasaariyay ayaa isna ay taageerayaasha diirada saareen, waana ay ku ooriyeen ka dib markii uu laad xor ah goolka dul mariyay.
Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino ayaa sheegay inuu garab istaagayo Raheem Sterling ka dib ciyaar xun oo soo martay.
Sterling ayaa isna Instagram ku soo qoray qoraal uu ku raaligelinayo taageerayaasha Chelsea isagoo wacad ku maray inuu 10 jeer si xoogan u soo laaban doono una caawin doono kooxda.
Waxa uu qoray: “Wembley ayaan ku soconaa. Dhamaan taageerayaasha Chelsea waa idinka raaligelinayaa rigoorada aan qasaariyay.
“Waxaan soo laaban doonaa anigoo 10 jeer ka xoog badan si aan uga caawiyo kooxda inay badiso, waxaana u sii dagaalami doonaan calaamada kooxda maalin walba.”
Sterling ayaana taageero ka helay qaar ka mid ah xiddigaha Chelsea oo faalo ka bixiyay qoraalkiisa.
Cole Palmer ayaa u qoray: “Walaalkeyow. Waxaani way dhacaan, uma baahnid inaan raaligelin bixiso.”
Madueke ayaa isna yiri: “Walaal uma baahnid inaad raaligelin bixiso. Mahad ayan ku heynaa.”