Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo 15kii sannadood ee ugu dambeeyey 13 ka mid ah ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa qiimayn xaqiiqada ku qotonta loogu sheegay in fursaddoodu aad u liidato sannadkan kaddib markii ay ka guureen qaaradda Yurub oo ay kala tageen waddamada Maraykanka iyo Sucuudiga.
Qiimayn lagu sameeyey 20ka ciyaartoy ee sannadkan 2024 ugu cadcad abaal-marinta Ballon d’Or oo lasoo saaray ayaa meel hoose ay ka muuqdaan Messi iyo Ronaldo, sidoo kalena Erling Haaland oo xilli-ciyaareedkii hore bandhig fiican sameeyey isla markaana kaalinta labaad ku dhamaystay oo ku xigay Lionel Messi ayaa sidii uu hore u ahaa aan ahayn xilli-ciyaareedkan.
Qiimayntan oo ku qotonta gool-dhalinta, caawinta, shabaqa nadiifta laga dhigay, koobabka ay ku guuleysteen amaba ay ku loollameen, waqtiyadii waaweynaa ee ay kasoo muuqdeen xilli-ciyaareedkan iyo qaabkooda guud ayaa waxa kaalinta koowaad ku jira Jude Bellingham oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanaya Real Madrid.
Bellingham oo dhaliyey 21 gool ayaa saddex ka mid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyey Barcelona labadii ciyaarood ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena waxa uu ahaa laacibkii khadka dhexe ka farsameeyey goolkii koowaad ee ay kooxdiisu ka dhalisay Manchester City lugtii labaad, ka hor intii aanay rikoodheyaasha ku garaacin.
Bellingham ayaa waxa qiimayntiisa sare u qaaday in kooxdiisa Real Madrid ay usoo gudubtay semi-finalka Champions League, sidoo kalena ay horyaalka LaLiga ku guuleysanayaan oo ay 11 dhibcood hoggaanka ku hayaan iyadoo lix ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Waxa kaalinta labaad ku jira xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, halka Harry Kane iyo Erling Haaland ay ku kala jiraan saddexaad iyo afraad, waxaana shanaad iyo lixaad u dhacay Rodri iyo Vinicius Junior.
Halkan kaga bogo qiimaynta 20ka ciyaartoy ee ugu cadcad abaal-marinta Ballon d’Or:
20. Cristiano Ronaldo – Al-Nassr iyo Portugal
19. Lionel Messi – Inter Miami iyo Argentina
18. Florian Wirtz – Bayer Leverkusen iyo Germany
17. Kevin De Bruyne – Manchester City iyo Belgium
16. Jamal Musiala – Bayern Munich iyo Germany
15. Rodrygo – Real Madrid iyo Brazil
14Declan Rice – Arsenal iyo England
13. Virgil van Dijk – Liverpool iyo Netherlands
12. Antoine Griezmann – Atletico Madrid iyo France
11. Martin Odegaard – Arsenal iyo Norway
10. Bukayo Saka – Arsenal iyo England
9. Phil Foden – Manchester City iyo England
8. Mohamed Salah – Liverpool iyo Egypt
7. Lautaro Martinez – Inter Milan iyo Argentina
6. Vinicius Junior – Real Madrid iyo Brazil
5. Rodri – Manchester City iyo Spain
4. Erling Haaland- Manchester City iyo Norway
3Harry Kane – Bayern Munich iyo England
2. Kylian Mbappe -Paris Saint-Germain iyo France
1. Jude Bellingham – Real Madrid iyo England