15ka ciyaartoy ee reer England ee da’doodu tahay 21 jir iyo ka yar ee ugu fiican waqtigan ayaa lagu soo saaray qiimayn lagu sameeyey dhamaan ciyaartoyda dalkaas kasoo jeeda ee da’yarta ah, kuwaas oo lagu tilmaamay mustaqbalka kubadda cagta Ingiriiska.
Xiddigaha Ingiriiska ee sida Harry Kane iyo Bukayo Saka waxa ay hadda ku biireen ciyaartoyda ruug-caddaayada ah inkasta oo ay da’doodu kala duwan tahay, laakiin labaduba waxa ay isku mid ka yihiin inay ka baxeen shuruudda qiimaynta lagu xulayo xiddigaha ugu fiican ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirrada.
Kobbie Mainoo oo Manchester United uga soo dallacay kulliyadda isla markaana bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada, ayaa soo galay liiska, laakiin waxa hoggaanka haya oo No.1 ka ah kubbad-sameeyaha Real Madrid ee Jude Bellingham oo 20 jir ah.
Qiimayntan oo lagu salleeyey tirada kulamada ay kooxda koowaad u ciyaaraan, in ay xulka England ka mid noqdeen mar uun, qiimaha suuqa iibka ciyaartoyda ay ka taagan yihiin, muhiimadda ay kooxahooda u leeyihiin, kulamada ay ciyaareen taramada Yurub iyo saadaasha mustaqbalkooda iyadoo laga duulayo ifafaalaha illaa hadda laga arkay.
Jude Bellingham oo haysta kaalinta koowaad, ayaa waxa kusoo xiga Cole Palmer oo Chelsea u dheela, Harvey Elliott oo ah 20 jir u ciyaara Liverpool, Rico Lewis oo ay da’diisu tahay 19 jir oo u dheela Manchester City iyo dheemanka Manchester United ee Kobbie Mainoo.
Waa kuwan 15ka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu wanaagsan ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka:
15. Adam Wharton (20) – Crystal Palace
14. James Trafford (21) – Burnley
13. Lewis Miley (17) – Newcastle United
12. Lewis Hall (19) – Newcastle United
11. Alex Scott (20) – Bournemouth
10. Jarrad Branthwaite (21) – Everton
9. Carney Chukwuemeka (20) – Chelsea
8. Tino Livramento (21) – Newcastle United
7. Jamie Bynoe-Gittens (19) – Borussia Dortmund
6. Levi Colwill (21) – Chelsea
5. Kobbie Mainoo (18) – Manchester United
4. Rico Lewis (19) – Manchester City
3. Harvey Elliott (20) – Liverpool
2. Cole Palmer (21) – Chelsea
1. Jude Bellingham (20) – Real Madrid