Maamulka Premier League ayaa koox kale ku soo oogtay dacwad ah inay ku xad-gudbeen sharciga dhaqaale wanaaga iyadoo uu socdo olole ka dhan ah kharashaadka xad dhaafka ah ee kooxaha.
Inkastoo aysan hadda ka ciyaarin Premier League, Leicester City ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee wajaheysa carada Premier League.
Everton iyo Nottingham Forest ayaa horay loogu ciqaabay dhibco laga jaray xilli ciyaareedkan, iyadoo Everton laga jaray 10 dhibcood inkastoo markii danbe lix looga dhigay halka Nottingham Forest laga jaray afar dhibcood.
Leicester City ayaa loo gudbiyay guddi madax-banaan sababtoo ah waxay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga horyaalka seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.
Haddii kooxda hogaamineysa horyaalka heerka labaad lagu helo danbiga loo heysto, waxay wajaheysaa in dhibco laga jaro marka ay Premier League ku soo laabtaan xilli ciyaareedka soo socda.
Waxaa intaas sii dheer in kooxda ay sidoo kale wajaheyso baaritaan ay ku sameynayaan xiriirka horyaalada hoose ee Ingariiska oo iyadana la xiriirta arimaha dhaqaalahooda.
Warbixin ay Leicester City soo saartay ayaa lagu yiri: “”Leicester City waxaa lama filaan ku noqotay talaabada ay qaaday Premier League maanta. Kooxda ay waxay si aad ah uga xun tahay in Premier League ay dacwad ku soo oogto inkastoo kooxda ay si niyadsami leh xiriir ugala sameysay Premier League eedeymaha loo heysto inkastoo aanan xitaa hadda ka ciyaareynin Premier League.”