Casemiro ayaa lagu waramayaa inuu talo caafimaad oo kooxda ka baxsan raadsaday ka dib markii ay dhakhaatiirta kooxda u sheegeen inuu taam u yahay inuu ciyaaro kulankii Man United iyo Liverpool ee Axadii, sida ay qortay Daily Express.
Xiddiga reer Brazil ayaa ugu danbeyn ka fariistay kulankaas ka dib markii la ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruqa bowdada iyadoo dhakhatiirta Old Trafford ay ku guuldareysteen inay arkaan dhaawaciisa.
Madaama kulanka uu ahaa mid xamaasad badan waxaa loo baahday inuu noqdo mid ku jira xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan sidaasi darteed waxaa laga doorbiday in la ciyaarsiiyo Kobbie Mainoo iyo Scott McTominay kulankii ay 4-3 kaga badiyeen Liverpool.
Sida ay sheegtay warbaahinta Brazil ee Trivela, Casemiro ayaa u la tagay dhakhaatiirta Man United dhibaato uu ka qabay muruqa bowdada ka hor ciyaarta. Si kastaba baaritaankii ay ku sameeyeen waa ay ku arki waayeen inuu wax dhibaato ah ka qabo muruqa bowdada, waxayna sheegeen inuu taam u yahay inuu ciyaaro.
Laakiin madaama uu xanuun weli dareemayay, Casemiro ayaa taladooda iska indhotiray wuxuuna booqday dhakhtar ku sugan Barcelona kaasoo helay dhibaato yar uu ka qabo muruqa bowdada oo aheyd dhaawac uu seddex bilood la maqnaa horaantii xilli ciyaareedkan.
Waxaa la aaminsan yahay in dhaawaca uu noqon lahaa mid halis ah haddii uu dheeli lahaa kulanka Liverpool. Ilaa iyo haatan United ma aysan u qabanin waqti uu ku soo laabto Casemiro.
Xiddiga khadka dhexe waxa uu heystaa ugu yaraan 10 maalmood kale oo uu ku soo kabsan karo ka hor kulanka Brentford. Waxa uu heystaa fursad uu ku nasto madaama laga saaray xulka Brazil dhaawaca darteed.