Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa halis ugu jira inuu lumiyo fursaddii uu ku heli lahaa koox shanaad xilli-ciyaareedka soo socda oo la kordhinayo tirada koxoaha ka qayb-galay tartanka Champions League oo laga dhigi doono 36 kooxood.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa hore u shaaciyey in afar kooxood lagu kordhinayo naadiyada hadda ka qayb-gala tartanka Champions League, waxaana horyaal walba lagu wargeliyey sida uu ku xoogsan karayo booska dheeraadka ah.
Horyaallada Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa u muuqda in ay min hal koox oo dheeraad ah heli doonaan xilli-ciyaareedka dambe, sababtoo ah heerka qiimayntooda oo sarreeya oo ay sababtay sidii ay naadiyadoodu bandhigga fiican u sameeyeen xilli-ciyaareedkii hore.
Qiimaynta UEFA ee loo yaqaano ‘UEFA coefficient table’ aaa noqon doona midka jaan-goynaya waddamada helaya kooxaha dheeraadka ah, waxaana halista ugu weyn kulaalaya Ingiriiska iyo Spain.
Liverpool iyo West Ham oo wareegga sideedda Europa League ay guul-darrooyin waaweyn soo gaadheen lugtii hore ayaa waxa haddii ay marxaladdan ku hadhaan ay hoos u dhigi doonaan qiimaynta horyaalka Premier League ee hal-beegga UEFA.
England ayaa hadda kaalinta saddexaad kaga jira, waxaanay waxyar ka hooseeyaan Jarmalka oo sida muuqata ay laba kooxood u yimaaddeen wawreegga siddeedda Champions League iyo Europa League, waana Bayern Munich oo lugtii hore barbarro la gashay Arsenal iyo Bayer Leverkusen oo 2-0 ku karbaashtay West Ham.
Sidoo kale, Talyaaniga lagama filayo inay hoos usoo dhacaan sababtoo ah saddex kooxood ayaa ugu soo gudbay wareegga siddeedda Europa League, waxaana isku dhacay AC Milan iyo Roma taas oo hubaal ka dhigaysa in semi-finalka ay joogto koox Talyaani ah, halka Atalanta ay 3-0 ku karbaashtay Liverpool.
Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa sidoo kale la filayaa in qiimayntiisu ay sare usoo kici doonto haddii ay usoo gudbaan Barcelona ama Real Madrid wareegga semi-finalka, iyagoo hadda qiimaynta UEFA kaga jira kaalinta afraad.
Halkan kaga bogo qiimaynta hal-beegga UEFA ee horyaallada Yurub
- Italy: 18.714
- Germany: 16.928
- England: 16.875
- Spain: 15.062
- France: 14.750