Mauricio Pochettino ayaa dusha saartay mas’uuliyada burburka ku dhacay kooxda Chelsea ka dib kulan xaasaasi ah uu la qaatay ciyaartoyda fashilmay ee kooxda shalay oo Talaado aheyd.
Blues ayaa caawa oo Arbaco ah waxay kulan ku celis ah oo FA Cup ah la ciyaareysaa Aston Villa, laakiin waxaa soo martay labo guuldarro oo isku xigta oo laga dhaliyay sideed gool.
Laakiin Pochettino ayaa yiri: “Waxaan u sheegay ciyaartoyda kulankii maanta inaan aamisanahay iyaga in ka badan sidii hore. Inaan taageeri doono si ka badan sidii hore.
“Ma ahi tababare caadi ah, waxaan ahay hogaamiyaha, waxaana u baahahay inaan ciyaartoydeyda tuso inaan aaminsanahay.
“Haddii ay si fiican u ciyaari waayaan waa aniga mas’uuliyadeyda iyo mas’uuliyada ciyaartoyda sababtoo ah iyagaa garoonka ku jira.
“Waxaan aaminsanahay inaan xaaladaan dhanka kale u rogi karno islamarkaana aan bedeli karno natiijooyinka.”
Chelsea ayaa guuldarro 4-1 kala kulantay Liverpool ka hor inta aysan guuldarro 4-2 ka soo gaarin Wolves oo marti ku aheyd Stamford Bridge.
Laakiin Pochettino ayaa sheegay inuu fariin qoraaleed taageero ah ka helay milkiilayaasha kooxda oo u xaqiijiyay inay garab taagan yihiin.