Pep Guardiola ayaa dhegaha farta ka gashaday eedeymaha loo jeedinayo qaab ciyaareedka kooxdiisa ka dib markii Gary Neville uu aflagaadeeyay kooxda Man City todobaadkan isagoo sheegay inay yihiin koox lagu caajiso in la daawado.
City ayaa kala dhantaashay Copenhagen kulankii Champions League, laakiin Neville ayaa tilmaamay in guushii 3-1 ee ay gaareen City inay aheyd mid lagu caajiso.
Jamie Carragher ayaa isna sidoo kale tilmaamay in ciyaaraha Man City aysan laheyn xamaasad inkastoo kooxda Guardiola ay kaliya shabaqa ilaashatay labo jeer 13kii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League.
“Waa wax inaga inagu xiran iyo sida aan ugu qanacsanahay – waa wax aan anagu leenahay” ayuu yiri Guardiola oo ka hadlayay eedeymaha Neville iyo qaab ciyaareedka kooxdiisa.
“Haddii aysan dadku ku qanacsaneyn qaab ciyaareedkeena, waxba nalama ma ahan. Dhibaato weyn uma aragno.
“Weli waan joognaa, muhiimada waa inaan anaga is ognahay wax aan nahay. Ma ahan inay ina saameyso amaanta aan banaanka ka heleyno ama qoomamada aan banaanka ka heleyno.”
Neville ayaa sidoo kale City ku tilmaamay koox aan la daawan karin, laakiin waxaa hadalkiisa sidoo kale ka soo horjeestay Roy Keane oo tilmaamay in qaab ciyaareedka Man City uu yahay mid cajiib ah oo lagu raaxeysto daawashadeeda.
Guardiola oo ka hadlayay hadalka Neville ayaa yiri: “Maxaan ka oran karaa? Waa okay. Waad ku mahadsan tahay Neville amaantaada. Kubada cagta waa mid aad u adag. Dunida kubada cagta way jeceshahay ciyaarteena, wayna ogsoon yihiin sida ay u adag tahay in lix ama todoba sannadood isbuuc walba la ciyaaro tartan walba.
“Waxaan kuu sheegayaa in mustaqbal aan la ilaawi doonin kooxdaan. Waxay u muuqataa wax sahlan laakiin ma ahan. Xusuuso jumladaan. Ciyaarteena waxay u muuqataa mid sahlan laakiin ma ahan. Kooxaha naga soo horjeeda way ina ixtiraamaan.”