Pep Guardiola ayaa qiray in kooxdiisa Manchester City ay wajahayaan “caqabado aad u adag” si ay ugu gudbaan wareega 16-ka Champions League ka dib markii la saadaaliyay iney ku aadi doonaan Real Madrid ama Bayern Munich wareega play-off-ka.
City waxay ka badbaaday in si ceeb ah looga reebo Champions League iyagoo kasoo laabtay gool ay dhaliyeen Club Brugge oo ay ugu dambeyn 3-1 kaga badiyeen garoonka Etihad.
Kooxda difaacaneysa Champions League ee Man City waxay u baahneyd guul si ay u gaarto play-off-ka, balse waxay wajahday caqabado adag markii Raphael Onyedika uu hogaanka u dhiibay kooxda martida ah daqiiqaddii ugu dambeysay qeybta hore.
Waqtigaas, City waxay banaanka ka ahayd 24-ka koox ee ugu sareysa tartanka, balse rajadooda ayaa soo noolaatay siddeed daqiiqo oo kaliya kadib markii Mateo Kovacic uu kubbad uu dafay horay u dhaqaajiyay islamarkaana si qurux badan u dhaliyay.
City oo markaas hogaanka qabatay sagaal daqiiqo kadib ayaa ka faa’iidaysatay gool uu iska dhaliyay Joel Ordonez, ka hor inta uusan Savinho si rasmi ah u xirin ciyaarta goor dambe.
In kasta oo Manchester City ay ku faraxday inay usoo baxdo wareega xiga, haddana waxay la kulmi doontaa tijaabo dhab ah oo ah inay wajahayaan kooxda difaacaneysa tartanka Champions League ee Real Madrid ama kooxda wayn ee Jarmalka Bayern Munich.
Guardiola ayaa yiri: “La ciyaaridda Bayern Munich ama Real Madrid waxay noqon doontaa mid aad u adag. Laakiin labo toddobaad ayaa naga xiga, waqti yar ayaan haynaa si ay ciyaartoyda dhaawaca qaba usoo laabtaan, laacibiinta cusubna ay diyaar u noqdaan. Waxaan rajeynayaa inaan labo kulan oo fiican ciyaarno.”
“Labadooduba hadda way naga fiican yihiin, laakiin ma garanayo waxa dhici doona laba toddobaad gudahood.”
“Ruben [Dias] iyo Nathan [Aké] way soo laabteen, Jérémy [Doku], Oscar [Bobb] sidoo kale. Haddii qof walba soo laabto, waan tartami karnaa.”
Markii laga hadlayay bandhiggii kooxdiisa ee kulankii Club Brugge, Guardiola wuxuu intaa ku daray:
“Qeybta labaad waxaan kor u qaadnay niyadeena, qalbiyadeena xor Ayey ahaayeen.”