Paul Scholes ayaa sheegay in Phil Foden uu durba yahay ciyaaryahan ka wanaagsan halyeeyga Chelsea iyo Premier League Frank Lampard.
Foden ayaa laba gool oo cajiib ah u dhaliyay Man City kulankii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Manchester United Axadii.
Foden ayaa durba dhaliyay 18 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan oo ay ku jirto 11 gool oo Premier League ah.
Wuxuu tiro la mid ah dhaliyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo dhan, waxaana lagu doodi karaa waa xiddiga ugu qaab ciyaareedka wanaagsan Man City xilli ciyaareedkan.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Man United Scholes ayaa amaan ugu qubeeyay Foden isagoo sheegay inuu ka tayo fiican yahay Frank Lampard laakiin uu haatan dhalinayo goolashii muhiimka ahaa ee looga bartay halyeeyga Chelsea.
Lampard waa xiddiga shanaad ee abid ugu goolasha badan taariikhda Premier League, waana xiddiga khadka dhexe ee ugu goolasha badan abid horyaalka Ingariiska.
Paul Scholes ayaa yiri: “Eeg, Foden ciyaaryahan ahaan wuu ka fiican yahay Frank Lampard, laakiin Frank Lampard waxa uu dhaliyay goolal, wuxuuna kooxdiisa u qaaday horyaalo isagoo khad dhexe ah.
“Waxaad sidaas ka filaneysaa weeraryahanada sida Haaland ama Michael Owen. Laakiin xiddig khadka dhexe waa inuu isku xilqaamo inuu kooxdiisa goolal u dhaliyo oo uu horyaalo u qaado.
“Frank Lampard sidaas ayuu ahaa, waxaana aaminsanahay in Phil Foden uu bilaabayo inuu sidaas oo kale noqdo.
“Eeg, Phil Foden ciyaaryahan ahaan aad ayuu uga fiican yahay sidii uu Lampard ahaa, qalad ha ii fahmina laakiin Frank waxa uu kooxdiisa u qaaday horyaalo, isagoo khad dhexe ah, Foden isagana calaamadahaas ayaan ka arkayaa.”