Paul Scholes Oo Kashifay Hal Meel Uu Declan Rice Ku Liito Iyo Sida Uu Isaga Dhisi Karo

Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa tilmaamay dhibaatada ugu weyn ee Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, iyo sdia uu ku noqon karo ciyaaryahan ay aad ugu adkaan doonto kooxaha kasoo horjeeda inay joojiyaan.

Rice ayaa bandhig heer sare ah sameeyay Axaddii, markii Arsenal ay 1-0 kaga badisay Liverpool, taasoo ahayd guushoodii ugu horreysay ee Premier League ee garoonkaas tan iyo 2012.

Xiddiga reer England ayaa caawiyay goolkii guusha ee Kai Havertz daqiiqaddii 16-aad. Waxa uu kubadda kula orday garabka midig, isagoo awood iyo xawaare ku dhaafay Noni Madueke, kadibna kubad hoose dhex mariyay xerada goolhayaha, taasoo uu Havertz shabaqa ku taabtay.

Guushaasi waxay Arsenal ka dhigtay inay saddex dhibcood ku hoggaamiso horyaalka.

Scholes oo ka hadlayay barnaamijka The Good, The Bad & The Football ayaa ammaanay orodkii xoogga badnaa ee Rice, isagoo barbar dhigay halyeeygii Liverpool, Steven Gerrard.

Si kastaba, waxa uu sheegay in Rice uu sii khatar badnaan karo haddii uu go’aannadiisa kubadda hagaajiyo, isla markaana uu yareeyo taabashooyinka badan ee uu sameeyo.

“Waxaan qabaa inuu taabashooyin badan sameeyo. Haddii uu kubadda ku ciyaaro hal ama laba taabasho, kadibna ordo, waxay ku dhowaan lahayd inaan la joojin,” ayuu yiri Scholes.

Rice ayaa sidoo kale hoggaaminaya liiska caawinta goolasha Premier League, isagoo sagaal kulan ku sameeyay shan caawin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular