Manchester United waxay xilli-ciyaareedkan ku jirtaa xaalad adag oo horyaalka Premier League ah. Natiijooyinka xun ayaa kooxda geliyay dagaalka looga badbaadayo u laabashada heerka hoose. United waxay haatan ku jirtaa kaalinta 19-aad iyadoo leh 8 dhibcood 11 kulan ka dib, waxayna badisay hal kulan oo keliya. Taasi waxay keentay in 12-kii Nofeembar shaqada laga ceyriyo tababare Michael Carrick ka dib sagaal kulan oo xiriir ah oo aysan guul gaarin dhammaan tartamada.
Tababaraha reer Argentina ee Mauricio Pochettino ayaa xilka la wareegay, balse wuxuu ku billowday guuldarro culus oo 4-0 ah oo ay kala kulmeen Liverpool. Kulankaas oo ka dhacay Anfield waxaa goor hore kaarka cas la siiyay daafaca Leny Yoro, taas oo sii adkeysay xaaladda kooxda.
Inkastoo xaaladdu ay adag tahay, saadaal cusub oo uu sameeyay kombiyuutarka weyn ee shabakadda Opta ayaa muujinaysa in Manchester United ay ka badbaadi karto u laabashada heerka hoose. Opta waxay sheegtay in United ay heysato 27% oo keliya oo fursad ah oo ay ugu dhici karto Heerka labaad.
Sida ay saadaashu sheegayso, Manchester United waxay xilli-ciyaareedka ku dhammaysan doontaa kaalinta 16-aad iyadoo urursan doonta 43 dhibcood. Waxay laba dhibcood oo keliya ka sarreyn doontaa kaalmaha looga dhaco horyaalka, taas oo ka dhigan inay badbaadi karaan balse ay khatarta u dhowaan doonaan ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka.