Liverpool Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Saxiixa Joogtada Ah Ee Ronald Araujo

Liverpool ma doonayso inay €55 milyan bixiso si ay si joogto ah Barcelona ugala wareegto Ronald Araujo. Kooxda reer England waxay rabtaa in qiimaha la dhimo ku dhowaad kala bar.

Wargeyska Sport ee dalka Spain, oo soo xiganaya suxufiga David Lynch, ayaa sheegay in Liverpool ay daafacan reer Uruguay ku iibsan doonto oo keliya €27.5 milyan, halkii ay ka bixin lahayd lacagtii ay Barcelona kula heshiisay xagaagii hore.

Lynch wuxuu meesha ka saaray in heshiiska la dhammaystiro bisha Janaayo, isagoo sheegay inay Liverpool u fiican tahay inay sugto dhammaadka xilli-ciyaareedka. Mushaharka badan ee Araujo iyo da’diisa, ayaa saameynaya go’aanka kooxda. Go’aankan wuxuu sidoo kale ku xiran yahay qaab-ciyaareedka Giovanni Leoni, soo laabashada Conor Bradley, iyo mustaqbalka Jeremie Frimpong, maadaama Liverpool ay doorbidi karto inay lacagta ku bixiso daafac midig oo cusub.

Dhanka kale, Barcelona waxaa laga yaabaa inay qiimaha dhinto xagaaga dambe haddii aysan doonayn inay Araujo dib u qaadato, inkastoo uu si fiican isugu muujiyay Liverpool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular