Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson ayaa saadaal ka bixiyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanu kala saaray kooxaha figta sare ku loollamaya aee Liverpool, Arsenal iyo Manchester City.
Paul Merson ayaa waxa uu rumaysan yahay in horyaalka Premier League uu noqon doono mid lagu loollami doono illaa dhamaadka, yadoo kooxdiisii hore ee Liverpool ay maanta marti u tahay Manchester United oo uu kulankoodu ka dhacayo Old Trafford.
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan samaynayaa taariikh, sababtoo ah Liverpool ayaa haddii ay ku guuleysato waxay barbarrayn doontaa rikoodhka kooxda ugu guulaha badan taariikhda Premier League oo ah Manchester United oo 20 jeer ku guuleysatay, halka haddii ay Man City ku guuleysato ay noqonayso kooxdii ugu horreysay ee abid afar sannadood oo isku xigta ku guuleysata horyaalka, waxaanay dhaafi doontaa rikoodhkii Man United ee saddexda sannadood ee xidhiidhka ah ee ay xilli-ciyaareedkii hore barbarraysay kooxda tababare Pep Guardiola.
Arsenal ayaa waxa dhinaceeda ay soo afjari doontaa 20 sannadood oo ay ka qatanayd horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004, taas oo iyaduna xasuus weyn u ah jamaahiirta Gunners.
Sidaas oo ay tahay, ayaa Pul Merson uu sameeyey saadaal la xidhiidha kooxda ku guuleysanaysa, waxaanu yidhi: “Waxa aan odhan karayaa waa horyaalkii ugu wanaagsanaa ee abid aynu aragno marka aad eegto sida loogu tartamayo. Saddex kooxood ayaa isku dheggen iyadoo ay bil kali ahi hadhsan tahay.
“100 qof ayaad maanta dariiqa ku joojin kartaa oo aad weydiin kartaa saadaashooda, waxaanay helaysaa saadaal ah 30-30-40.
“Waa la isku dheggen yahay, laakiin si degdeg ah ayay wax isku beddeli karayaan. Haddii ay koox kufto, way u dhamaanaysaa, cadaadisna wuu jiraa. Anigu waxa aan dareensanahay in Liverpool ay tahay kooxda waqtigan ee ku guuleysanaysa horyaalka.”