Falanqeeyaha Sky Sports, Paul Merson, ayaa aaminsan in Chelsea ay si weyn ugu tiirsan tahay Moisés Caicedo iyo João Pedro, isagoo sheegay in maqnaanshahoodu uu kooxda gelin doono dhibaato weyn.
Merson ayaa qiimayntan sameeyay ka dib guuldarradii 4-1 ahayd ee Chelsea ka soo gaartay Leeds United, isagoo ku dooday in qaab-ciyaareedka kooxdu uu hoos u dhacay markii Caicedo garoonka laga saaray.
“Haddii aad Caicedo iyo João Pedro ka saarto kooxdaas, Chelsea waxba ma aha. Waa labada ciyaaryahan ee aadan u adkaysan karin maqnaanshahooda,” ayuu yiri Merson.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay soo laabashada João Pedro, isagoo tilmaamay in Chelsea ay u baahan tahay weeraryahankan xilli ay isku dayayso inay ka soo kabato natiijooyinka adag ee ay ku jirto.