Jamie Carragher Oo Sheegay Kaalinta Uu Doonayo In Liverpool Ku Dhammaysato Xilli-Ciyaareedkan Kadib Guushii Man United

Daafacii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa doonaya in kooxdiisu ay xilli-ciyaareedkan ku dhammaysato labada kaalin ee ugu sarreysa horyaalka Premier League, ka dib guushii weynayd ee 4-0 ahayd ee ay garoonka Anfield kaga gaareen Manchester United.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Gary Neville Podcast, Carragher wuxuu sheegay in Liverpool ay tahay inay hiigsato sidii ay u noqon lahayd kooxda ugu xooggan ee la tartanta Arsenal, gaar ahaan ka dib markii dhowr kooxood oo horyaalka u tartamaya ay dhibco lumiyeen dhammaadkii toddobaadkan.

“Aniga ahaan, maadaama Liverpool tahay kooxdayda, waxaan rabaa inay xilli-ciyaareedkan gaaraan heer ay noqdaan kooxda ugu adag ee la tartanta Gunners, isla markaana ay is dhigaan boos ay xilli-ciyaareedka dambe kula tartami karaan Arsenal,” ayuu yiri Carragher.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular