Dhirbaaxo! Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay In David Raya Uu Seegayo Kulanka Champions League Ee Borussia Dortmund

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay in goolhaye David Raya uusan diyaar u ahayn kulanka Champions League ee ay habeenka Talaadada la ciyaarayaan Borussia Dortmund.

Raya ayaa dhaawac uga baxay qaybtii labaad ee kulankii ay Sabtidii barbarraha 2-2 ah la galeen Newcastle United horyaalka Premier League. Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa sheegay in dhaawacu uusan ahayn mid halis ah, inkastoo goolhayaha reer Spain uu mari doono baaritaanno dheeraad ah.

“Diyaar uma aha berri, laakiin uma muuqdo mid aad u halis ah,” ayuu Arteta u sheegay saxaafadda Isniintii. “Waxaan u baahannahay baaritaanno dheeraad ah berri, balse xaaladdu waa mid rajo leh. Waxay u muuqataa mid ka wanaagsan sidii la filayay.”

Kepa Arrizabalaga ama Illan Meslier midkood ayaa la filayaa inuu shaxda koowaad ku soo bilowdo kulanka Dortmund.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular