Weeraryahankii hore ee Arsenal, Paul Dickov, ayaa shaaca ka qaaday in tababare Mikel Arteta uu aad u doonayo inuu kooxda Atletico Madrid kala soo wareego Julian Alvarez.
Dickov ayaa xusay in tababarahan reer Spain uu xiriir hoose la sameeyay weeraryahanka reer Argentina si uu ugu qanciyo inuu Arsenal ku soo biiro xagaaga 2027. Alvarez ayaa ku dhowaaday inuu ka tago Atletico suuqii kala iibsiga ee xagaaga, balse ugu dambayn wuxuu go’aansaday inuu kooxda sii joogo inkastoo ay xiisaynayeen Arsenal iyo Barcelona.
“Mikel aad ayuu u yaqaannaa Julian, xagaagiina way wada hadleen, marka igama yaabin doonto haddii ay weli xiriir leeyihiin,” ayuu Dickov u sheegay Metro UK. “Waa ciyaaryahan uu Mikel aad u jecel yahay inuu helo, mana layaabi doono haddii ay xagaaga mar kale u laabtaan.”
Alvarez ayaa Atletico Madrid ku biiray sanadkii 2024 ka dib markii uu ka tagay kooxda Manchester City.