Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa usoo jeedisay Barcelona in ay heshiis isku-beddel ciyaartooyo ah kula kala wareegaan laba ciyaartoy oo labada kooxood ah, kuwaas oo naadi waba uu doonayo inuu helo ciyaartoyga kooxda kale.
Inkasta oo qiime ahaan ay kala duwan yihiin, haddana Bayern Munich ayaa doonaysa in ay xiddigeeda Joshua Kimmich siiso Barcelona, isla markaana ka hesho midkood Frenkie de Jong ama Ronald Araujo oo labaduba halbowleyaal u ah kooxda reer Spain.
Wargeyska Sport ayaa boggiisa hore maanta ku daabacay, in Bayern Munich ay dabada ka riixayso hindise ay diyaarisay oo ay Barcelona gaadhsiin doonto ka hor inta aanu suuqu furmin, kaas oo ah inay la saxeexato difaaca dhexe ee reer Uruguay ee Ronald Araujo ama khadka dhexe ee reer Netherlands ee Frenkie de Jong.
Warka ayaa intaa ku daray, in Bayern Munich ay diyaar u tahay in Joshua Kimmich ay raaciso lacag aan badnayn, balse kooxda reer Spain ayaa iyaduna si aad ah u raadin doonta lacag kaash ah oo ay kula soo wareegaan khadka dhexe ee Manchester City ee Bernardo Silva.
Tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa taageere weyn u ah Joshua Kimmich oo uu u arko ciyaartoy wax badan kusoo kordhin lahaa safkiisa, sida Ilkay Gundogan oo kale, isla markaana khibraddiisu ay ka saacidi doonto inay horyaalka LaLiga kula tartami karaan Real Madrid xilli-ciyaareedka dambe.
Bayern Munich oo dhinaceeda dibu-dhis ku samaynaysa naadigeeda xagaaga, maadaama ay horyaalka difaacan kari waayeen oo xilli-ciyaareedkan ay kaga guuleysatay Bayer Leverkusen ayaa waxa ay labada ciyaartoy ee Barcelona u aragtaa kuwa ku habboon falsafaddeeda.