Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku adkaystay in aanay u jabi doonin xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo Salaasada u duuli doona waddankiisa, si uu ugu biiro xulka qaranka Masar ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Afrika.
Caawa ayuu Salah ciyaari doonaa kulankiisii ugu dambeeyey ee Liverpool ee ka hor ciyaaraha Afrika, waxaana uu ka maqnaan doonaa muddo bil iyo dheeraad ah haddii uu dalkiisu usoo baxo finalka tartankaas oo ay labadii sannadood ee ugu dambeeyey yimaaddeen.
Darwin Nunez oo ciyaartii Bunrley soo afjaray 12 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo aanu wax goolal ah dhalinin iyo Diogo Jota oo dhaawac kasoo laabtay toddobaadkii hore ayaa noqon doona weeraryahannada uu Jurgen Klopp u isticmaali doono booska Mohamed Salah, halka Cody Gakpo iyo Luis Diaz ay iyaguna yihiin weerarrada dhexe iyo garabka bidix.
Klopp oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Runtii waqti weyn ayay kusoo beegan tahay bixitaanka Wataru Endo iyo Mohamed Salah, laakiin waxa aan idiin sheegayaa in ciyaartii Fulham aanu si fiican u dheelnay iyadoo aanu Mo Salah kusoo bilaabanin.
“Waanu doonaynaa in aanu haysano Mo Salah oo uu mar walba noo ciyaaro, garoonka ku jiro ciyaar kasta, laakiin taasi ma dhacayso, waana in aanu helno xalal kale, waana caadi oo qof kale ayaanu helaynaa.
“Waxa jirtay waqtiyo ay xaaladdu sidan nagaga sii darnayd oo Sadio Mane iyo Mohamed Salah ay naga tegi jireen, waxase aanu hadda haysanaa Darwin Nunez iyo Diogo Jota oo ah ciyaartooyo cajiib ah.”