Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in ay lumisayso dheemankeedii kasoo baxay kulliyadda ee ay khubarada ciyaaruhu ku tilmaameen in uu yahay ‘Jack Wilshere cusub’, waxaana eedda bixitaanka laacibkan yeelanaya tababare Mikel Arteta.
Tan iyo markii uu tababaraha reer Spain noqday macallinka Arsenal, waxa kooxdan reer London fursad ka helay ciyaartooyo da’yar ah oo kasoo baxay kulliyadda oo is-muujiyey, waxaana si gaar ah taariikhda ugu galay Ethan Nwaneri oo noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee taariikhda Premier League ciyaara, waxaana rikoodhkaas loo diiwaangeliyey xilli-ciyaareedkii hore.
Laacibka khadka dhexe ee Charlie Patino ayaa la filayey in fursad loo siin doono sida Nwaneri, Emile Smith Rowe iyo Bukayo Saka oo kale, laakiin Mikel Arteta ayaa ku illoobay da’yarta iyo waqtiyo ay amaah ugu direen naadiyo kale.
Patino oo ay dadka yaqaana ku tilmaamaan inuu leeyahay qaab-ciyaareedkii Jack Wilshere oo kale, isla markaana uu muujiyey kartidiisa ciyaareed markii uu bandhig heersare ah ka sameeyey Blackburn oo amaah loogu diray, ayaa waxa uu fursad fiican ka waayey Swansea City xilli-ciyaareedkii tegay.
Sida uu ku warramayo wargeyska Evening Standard ee kasoo baxa magaalada London, Patinho ayaa iskaga tegi doona Arsenal xagaaga soo socda, kaddib markii uu niyad-jab ka qaaday tababare Mikel Arteta oo fursad ka siin waayey kooxda koowaad.
Wargeyska Daily Mail ayuu Patino u sheegay bishii October in uu doonayo in uu raaco raadka Bukayo Saka, Eddie Nketiah, Emile Smith Rowe iyo xiddigo kale oo Arsenal ah oo uu u ciyaaro kooxda koowaad.
Si kastaba ha ahaatee, laacibkan ayaa gaadhay go’aan ah in aanu cusboonaysiinin qandaraaskiisa dhamaadka ah, waxaanu ka tegi doonaa Arsenal.