Dib u soo noqoshada Neymar ee xulka Brazil ayaa mar kale dib u dhacday ka dib markii la xaqiijiyay inuu seegi doono kulamada isreebreebka Koobka Adduunka, sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.
Brazilian-ka ayaa xulka ka maqnaa tan iyo bishii Oktoobar 2023, markaasoo uu dhaawac culus ka soo gaaray jilibka bidix. Neymar ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay garoomada, kaddib markii uu bishii Janaayo ku biiray kooxda carruurnimadiisa ee Santos, taasoo keentay in lagu daro liiska xulka Brazil ee kulamada Colombia iyo Argentina.
Si kastaba ha ahaatee, xiddigan weerarka ka ciyaara ayaa dhaawac kale soo gaaray intii lagu jiray guushii 2-0 ee Santos ay ka gaartay Bragantino 2-dii Maarso. Xiriirka Kubadda Cagta Brazil (CBF) ayaa Jimcihii xaqiijiyay in Neymar, goolhayaha Manchester City Ederson, iyo difaaca Flamengo Danilo laga saaray safka xulka.
Bedelkooda, Brazil ayaa u yeertay xiddiga da’da yar ee Real Madrid, Endrick, goolhayaha Lyon Lucas Perri, iyo daafaca Flamengo Alex Sandro.
Tababaraha Brazil, Dorival Jr., ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Laga soo bilaabo markii aan shaacinay liiska xulka, waaxda caafimaadka ee xulka Brazil waxay nala socodsiinayeen xaaladda ciyaartoyda, gaar ahaan Danilo, Neymar, iyo Ederson. Kadib qiimeyn lagu sameeyay, waxaan go’aansanay in aan u yeerno Lucas Perri, Alex Sandro, iyo Endrick si ay u buuxiyaan boosaska ciyaartoyda dhaawaca qaba.”
Xulka Brazil oo haatan ku jira kaalinta shanaad ee kala sarreynta isreebreebka Koobka Adduunka ee Koonfurta Ameerika, waxa uu la ciyaari doonaa Colombia Khamiista, ka hor inta aysan 25-ka Maarso booqan xulka Argentina. Lixda kooxood ee ugu sarreeya ayaa si toos ah ugu soo baxaya Koobka Adduunka 2026, oo ay martigelinayaan Mareykanka, Mexico, iyo Canada.