Rajadii ay Manchester United ka qabtay inay u soo baxaan tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda ayaa dhaawac uu soo gaaray xalay ka dib guushii ay Chelsea ka gaartay Tottenham.
United ayaa wajahayday xilli ciyaareed xun, waxayna haatan halis ugu jiraan inay seegaan tartamada Yurub markii ugu horeysay muddo 10 sannadood ah.
Waxay haatan ku jiraan kaalinta lixaad ee Premier League, waxaana jirta suurtogalnimo ay United ku seegi karto dhamaan u soo bixitaanka tartamada Yurub haddii natiijooyinka isbuucyada ugu danbeeya ay u hiilin waayaan.
Haddii Newcastle iyo Chelsea ay ka sarre maraan United horyaalka Premier League islamarkaana kooxda Ten Hag ay ku guuldareysato inay garaacdo Manchester City finalka FA Cup, markaas Red Devils waxay ku guuldareysan doontaa inay u soo baxdo tartamada Yurub markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/15.
Man United oo lixaad ku jirta waxay dhibic ka sareeyaan kooxda Newcastle oo 7aad ku jirta halka Chelsea oo 8aad ku jirta ay 3 dhibcood ka danbeeyaan Man United ka dib guushii Spurs.
Sida ay haatan wax yihiin afarta kooxood ee ugu sareysa horyaalka Premier League ayaa u soo baxaya Champions League, kooxda kaalinta shanaad waxay u soo baxeysaa Europa League halka kooxda kaalinta lixaad ay u soo bixi karto Europa League ama ay u dhici karto Europa Conference League.
Kooxda kaalinta lixaad si ay ugu soo baxdo Europa League waxay u baahan tahay in kooxda ku guuleysata FA Cup aysan tartamada Yurub ugu soo bixin booskooda horyaalka.
United waxay wajaheysaa City finalka FA Cup ee 25ka May, haddii kooxda Pep Guardiola ay badiso, markaas kooxda kaalinta lixaad ayaa u soo baxeysa Europa League halka kooxda kaalinta 7aad ay u soo baxeyso Europa Conference League.
Si kastaba, haddii Man United ay Wembley ku garaacdo City markaas kooxda Ten Hag si toos ah ayay ugu soo baxaan Europa League iyadoo aan loo eegeynin booska ay ku dhameystaan horyaalka.