Manchester City ayaa ugu yaraan hal dhibic kaga baahan Sparta Prague habeen dambe, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay jabin doona rikoorka guuldaro la’aanta Manchester United ka dhigtay Champions League.
Manchester City ayaa sii dheereysatay rikoorkeeda guuldaro la’aanta ee UCL, iyadoo 25 kulan gaartay markii Citizens ay 4-0 ku garaacday Slovan Bratislava 1 Oct.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingariiska ayaa kula biiri doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United labada naadi ee abid gaaray guulaha xiriirka ugu badan tartanka Yurub.
Red Devils ayaa ku riyaaqday 25 kulan oo guulo xiriir ah UCL intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2009 markaas oo uu Sir Alex Ferguson hayay shaqada.
Xiritaankii guulahaas United ayaa ku guuleysatay 2008dii Champions League, iyadoo ay hogaaminayeen Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney iyo Rio Ferdinand.
Rikoorka United ayaa ahaa mid aan la gaarin muddo 15 sano ah ka hor inta aysan ku dhawaan Bayern Munich oo gaaray 19 kulan oo guulo ah 2019 ilaa 2021, laakiin City ayaa hadda u muuqata kooxda jabin karta rikoorka Red Devils.