Wayne Rooney ayaa sheegay inuu ka naxay go’aanka FA-ga ee Tuchel loogu magacaabay tababaraha cusub ee England.
Tuchel ayaa bedeli doona Gareth Southgate, kaasoo xilka ka dagay kaddib guuldaradii England ka soo gaartay Spain finalkii Euro 2024, wuxuuna xilka kala wareegi doonaa tababaraha ku-meel-gaarka ah Lee Carsley, koowda Janaayo.
“Waxaan u maleynayaa inuu [Tuchel] yahay tababare aad u wanaagsan,” ayuu yiri Rooney. “Laakiin [waxaan ahay] mid la yaaban in FA-ga ay shaqaaleysiyeen isaga.”
Rooney ayaa ka mid ah dad badan oo muujiyay layaabka ay ku noqotay go’aanka FA-ga ee ah in Tuchel loo doorto booska xulka halkii laga soo xulan lahaa tababare Ingiriis ah.
Tababaraha Plymouth Argyle ayaa ammaanay horumarka FA-ga ee tababarayaasha da’da yar ee Ingiriiska: “Waxa ay FA-ga soo saareen tababareyaal heer sare ah 10 kii sano ee lasoo dhaafay”
“Ingiriiska waa madal weyn oo ay kasoo baxayaan tababarayaal da’ yar, markaa waxaan la yaabanahay inaysan mid ka mid ah kuwa u gaarka ah qaadan waayaan”