Xabi Alonso ayaa ka baxay aamusnaanta ka dib markii lala xiriiray shaqada Liverpool madaama Jurgen Klopp uu go’aansaday inuu baxayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaqay maanta oo Jimce ah inuu iska casilayo shaqada tababaraha Liverpool marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Tababaraha Jarmalka ayaa ku biiray Liverpool sannadii 2015kii isagoo kooxda la qaaday Champions League sannadii 2019kii, waxa uu sidoo kale Liverpool ku hogaamiyay horyaalkoodii ugu horeysay ee muddo 30 sannadood ah sannadkii ku xigay.
Bixitaanka Klopp ayaa amakaak weyn noqday marka loo eego in qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2016ka.
Ninka ugu cadcad inuu bedelo tababaraha Jarmalka waa xiddigii hore ee Liverpool Xabi Alonso oo haatan tababare ka ah kooxda Bayer Leverkusen.
Si kastaba, shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay Xabi Alonso ayaa lagu weydiiyay haddii uu bedelayo Jurgen Klopp, balse waxa uu sheegay inuusan weli ka fekereynin talaabada xigta ee uu qaadi doono.
Waxa uu yiri: “Haddii aan daacad u hadlo waqti xaadirkaan kama fekerayo talaabada xigta ee aan qaadi doono. Waxa aan ka fekerayaa halka aan joogo waqtigaan, waxaana joogaa meel aad u fiican oo aan ku riyaaqayo.
“Waa meel ii fiican intaas kaliya ayaan dhihi karaa. Waxba kama ogi sida uu waayaheyga u socon doono. Kaliya waxaan ka fekerayaa kulanka Sabtida.”
Markii si toos ah loo weydiiyay shaqada ka banaan Liverpool, Alonso ayaa ku jawaabay: “In warar xan ah ay soo baxaan waa iska qaadi, diiradeyda waa Bayer Leverkusen, laakiin dabcan lama filaan ayay ku tahay Liverpool.”