Difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa halis ugu jira in laga ganaaxo Manchester United, waxaana soo baxay sawirro muujinaya inuu jabiyey sharciga iyo anshaxa uu ciyaartoyda kooxdaas u dejiyey tababare Erik ten Hag.
Varane ayaa soo bandhigay sawir uu ku sugan yahay goob baraf ah oo uu u muuqanayo inuu ku ordayo qalabka lagu baratamo goobaha barafka, taas oo uu hore ciyaartoydaas kooxdaas uga mamnuucay tababare Ten Hag.
30 jirkan ayaa sawirkan ku baahiyey bartiisa Instagram, waqti uu fasax ka ahaa tababarka kooxdiisa horraantii toddobaadkan, laakiin wali lama xaqiijin goobta uu ku sugnaa laacibkan.
Tababare Erik ten Hag ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka gaadho laacibkan, waxaanay u badan tahay in laga saari doono garoonka tababarka iyo liiska ciyaartoyda kooxdaas in muddo ah, taas oo uga sii dari doonta xaaladda laacibkan ee marka horeba ku dhibaatoonayay Old Trafford.
Manchester United oo tusaale ka dhiganaysa goolhayaha Bayern Munich ee Manuel Neuer oo lug kaga jabay barafka sannadkii hore, isla markaana seegay Koobkii Adduunka iyo xilli-ciyaareedkii hore oo dhan ayaa qaadatay in ay ciyaartoydeeda ka mamnuucdo inay tagaan goobaha barafka iyaga oo isticmaalaya waxyaabaha lagu ciyaaro.
Neuer ayaa 10 bilood ka maqnaa garoomada, waase hadda la sugayaa go’aanka uu qaadan doono tababare Ten Hag.