Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Bukayo Saka iyo Gabriel Magalhaes aysan tababar qaadan ka hor kulanka Arsenal ay la ciyaari doonto kooxda Manchester City isbuucaan.
Gunners ayaa doonaysa in ay sii dheeraysato hogaanka caatada ah ee ay ku heyso horyaalka Premier League iyagoo doonaya inay seddexda dhibcood ku qaataan garoonka Etihad Axada.
Rajada guusha ee Arsenal ayaa si weyn ugu xirnaan karta taam ahaanshaha dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah.
Gunners ayaa laga badiyay kulan walba oo ay booqdeen Man City horyaalka tan iyo markii uu Arteta tababare u noqday.
Bukayo Saka ayaa dhaawac muruqa ah uga baxay xulka England kulamadii heerka caalami ee labadii todobaad ee ugu danbeysay, si la mid ah daafaca reer Brazil Gabriel oo isna ka sheekanayay barar seedka lugta ah.
Arteta ayaa la waydiiyay shirkiisii jaraa’id ee shalay Oo Jimce aheyd inuu warbixin ka bixiyo xaalada labada ciyaaryahan isagoo sheegay inaysan qaadanin wax tababar ah tan iyo markii ay kooxda ku soo laabteen, balse wuxuu carabka ku adkeeyay inay jirto fursad ay ku ciyaari karaan kulanka Etihad Stadium.
“Haa, waxaa jirta fursad [ay ku dheeli karaan]” ayuu yiri Arteta. “Ma aysan tababarin, berri [Sabti] waxaan haysanaa tababar kale, sidaas darteed waxaa jirta fursad ay ku ciyaari karaan.”
Rikoodhka Arsenal ee Etihad Stadium ee kulamada horyaalka ayaa ah mid aad u xun iyagoo kaliya hal dhibic ka soo qaatay tan iyo 2015kii.