Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa dhalliilo u jeediyey weeraryahanka reer England ee Harry Kane, kaddib markii ay guul-darradii saddexaad ee xidhiidh ah la kulantay kooxdiisu
Bayern Munich oo toddobaadkii hore ay 3-0 kusoo garaacday Bayer Leverkusen, ayaa waxa ugu xigtay Lazio oo 1-0 ugu soo awood sheegatay lugta koowaad ee wareegga 16ka Champions League, halka Axaddii shalayna ay kooxda yar ee VFL Bochum ku karbaashtay 3-2, taas oo ka dhigan in Bayern Munich ay siddeed dhibcood ka dambayso kooxda hoggaanka haysa ee Bayer Leverkusen.
Tababare Thomas Tuchel oo la hadlay warbaahinta ayaa eedaymo culus u jeediyey ciyaartoyda kooxdiisa, gaar ahaan Harry Kane, waxaanu yidhi: “Waxa aanu abuurnay fursado heerkoodu sarreeyo. Fursadihii uu Harry helay qaybtii hore waxay go’aamin karayeen ciyaarta.
“Haddii uu isku dayi lahaa hal taabasho ayuu ku dhamaystiri lahaa, laakiin waxa uu go’aansaday inuu kubadda ciyaaro.”
Thomas Tuchel ayaa waxa kale oo uu sheegay in fursadaha ay heleen ay ahaayeen, afar, shan illaa lix kubbadood oo halis ahaa oo kaliya u baahnaa in kubadda lagu leexiyo dhinaca goolka, laakiin ay ciyaartoydiisu ka faa’iidaysan waayeen.