Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka quusanaysa xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota oo dhaawac halis ahaa uu kasoo gaadhay jilibka maalintii Sabtidii, markaas oo isaga oo dhulka jiifay uu kusoo dul-dhacay kabtanka Brentford ee Christian Norgaard oo kor u booday.
Diogo Jota ayaa waxa ay lugtiisu ka liicday jilibka, waxaana garoonka lagaga dhax-qaaday naxash maadaama aanu socon karaynin.
Curtis Jones iyo Darwin Nunez ayaa iyaguna ku dhaawacmay ciyaartaas oo laga saaray garoonka, taas oo sii xumaysay xaaladda ay ku jirto kooxda tababare Jurgen Klopp.
Isniinta maanta ayaa baadhitaanno dheeraad ah lagu samayn doonaa Diogo Jota oo ay xaaladdiisu adag tahay, waxaase sawirradii Axaddii ay muujiyeen in uu jiifi doono ugu yaraan laba bilood, taas oo ka dhigan in ugu badnaan uu kasoo gaadhi karo shanta ciyaarood ee ugu dambeeya horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.
Wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa sheegay, in xaaladda dhaawaca ee Diogo Jota ay kasii dari karto sida hadda la moodayo, isla markaana xilli-ciyaareedka oo dhan uu ka maqnaan karayo garoomada, taas oo sidoo kalena halis gelinaysa fursadda uu xulka qarankiisa Portugal kagala qayb-gelayo Koobka Qaramada Afrika.
Jota oo xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Liverpool 14 gool 28 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, kuwaas oo lix ka mid ah uu dhaliyey siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa uu dhaawaciisu imanayaa iyadoo ay kooxdiisa ka dhaawacan yihiin Alisson Becker, Dominik Szoboszlai, Curtis Jones, Alexander-Arnold, Thiago Alcantara iyo Dawin Nunez, inkasta oo la filayo inuu taam u noqon karayo ciyaarta Chelsea ee Axadda ee finalka Carabao Cup.