Xabi Alonso ayaa qiimeeyay fursadaha Liverpool ee Champions League ka dib guuldaradii Bayer Leverkusen.
Xabi Alonso ayaa aaminsan in rajada Liverpool ee Premier League iyo Champions League ay u muuqato ‘mid lagu tashan karo’ inta uu joogo Arne Slot ka dib guushii 4-0 ay ka gaareen Bayer Leverkusen fiidnimadii Talaadada.
Luis Diaz ayaa dhaliyay seddexleey qeybtii labaad ee ciyaarta halka Cody Gakpo uu sidoo kale shabaqa ku hubsaday gool cajiib ah si uu ugu riixo Liverpool hogaanka horyaalka Champions League iyagoo leh 12 dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen.
Kooxda Slot ayaa sidoo kale si heer sare ah ku bilaabatay horyaalka Premier League iyaga oo haatan 2 dhibcood ka sareeya kooxda Manchester City 10 kulan oo ay ciyaareen.
Markii la waydiiyay in la qiimeeyo heerka ay hadda Liverpool marayso, Alonso waxa uu yidhi ka dib guuldaradii Leverkusen: “Waxa aan u malaynayaa in ay yihiin koox dhamaystiran.
“Waxaan qabaa inay awoodaan inay difaacaan, gool dhaliyaan, waxay awoodaan inay shabaqa ilaashadaan, waxay awoodaan iyagoo aan haysan fursado badan oo ay goolal ku dhaliyaan, iney gool xidhaan.taasina waa awood weyn oo Champions League ah. gaar ahaan, marka aad aado wareegga xiga.
‘Haa, waxay leeyihiin awood laakiin wali waa goor hore in la sheego.
“Waxay ku jiraan waqti fiican, kooxdu waxay leedahay isku dheelitirnaan fiican, tababaruhu wuxuu qabanayaa shaqo fiican ilaa hadda, waxay u muuqataa xilli ciyaareed rajo leh laakiin waxaan wali joognaa November.
Dhanka kale, Slot wuxuu ku adkeystay in Liverpool ay tahay inay ilaaliso ‘xooggeeda’ si ay u kordhiso bilawga cajiibka ah ee xilli ciyaareedka.