Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku amaanay Jadon Sancho bandhigii fiicnaa ee uu sameeyay kulankii ay Borussia Dortmund 1-0 uga badisay Paris Saint-Germain lugta hore ee semi-finalka Champions League.
Niclas Fullkrug ayaa dhaliyay goolka qura ee ciyaarta laakiin Sancho ayaa ahaa xiddiga garoonka isagoo soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
Sancho ayaa kooxdiisa hore ugu biiray amaah bishii Janaayo isagoo ka tagay Man United ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag, laakiin tababaraha reer Holland ayaa ku faraxsan inuu arko 24 jirkaan oo wacdarro dhigaya.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka ay Manchester United la ciyaareyso Crystal Palace Isniinta, Ten Hag ayaa yiri:
“Ii ogolaada inaan dhaho, Sancho waxa uu u ciyaaray si aad u fiican, waxa uu ahaa ciyaaryahan fiican. Waxa uu soo bandhigay sababta ay Manchester United u soo iibsatay, wuxuu soo bandhigay inuu matalo tayada sareysa ee Man United taasoo ah mid aad u fiican.
“Waan u faraxsanahay Jadon iyo qaab ciyaareedkiisii Arbacadii, waana arki doonaa waxa mustaqbalka dhici doona.”
Ten Hag ayaa sidoo kale ka warbixiyay kooxdisa ay dhaawacyada ragaadiyeen. Waxaa durba ka maqan ciyaartooy badan oo muhiim ah laakiin waxa uu sheegay inay suurtogal noqon karto inay ka maqnaadaan Scott McTominay iyo kabtan Bruno Fernandes kulanka ay booqanayaan garoonka Selhurst Park ee Crystal Palace.