Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa eeda guuldaradii xalay ka soo gaartay Crystal Palace dusha uga tuuray afartiisa daafac danbe oo uu sheegay inay aheyd halkii ay kooxdiisa ka liidatay.
Laakiin Ten Hag ayaa diiday in kaliya farta lagu fiiqo Casemiro oo laga ciyaarsiiyay booska daafaca dhexe, isagoo tilmaamay in kooxda oo dhan ay leedahay mas’uuliyada guuldarada.
Ten Hag ayaa yiri: “Mar walba waxaa jira sababo, qof walba waa arki karay daafaceena. Waxaa ina heysta dhibaatooyin waa weyn. Laakiin waa inaan maareyno, waxayna aheyd inaan sidaan si ka fiican sameyno.
“Waxay aheyd guuldarro aan u qalanay. Qaab ciyaareedkeena ma aheyn sidii aan fileynay.
“Kaliya diirada ma saari karno hal ciyaaryahan [Casemiro]. Waa inaan eegnaa qaab ciyaareedka kooxda oo dhan. Wax aan saxnay ma jirto.
“Waa inaan natiijadaan saxno Axada. Waa inaan wax ka barano ciyaartaan oo aan horumar sameyno.
“Waan u mahadcelinayaa taageerayaasha oo ina garab istaagay. Way arkaan iyagaba in dhibtooyin ay ina heystaan. Waa inaan isku duubni muujino.”
Manchester United waxaa u hartay seddex kulan oo horyaalka Premier League ah iyagoo la ciyaaraya Arsenal, Newcastle iyo Brighton, waxay sidoo kale finalka FA Cup ku balansan yihiin kooxda deriskooda ah ee Manchester City.