Carlo Ancelotti oo Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu adag Champions League kaddib guuldarradii kasoo gaartay kooxdiisa.
Carlo Ancelotti ayaa ku tilmaamay Liverpool inay tahay “kooxda ugu adag” ee Real Madrid ay la kulanto Champions League kaddib guuldarradii 2-0 ee ka soo gaartay garoonka Anfield habeenkii Arbacada.
Kooxda Arne Slot ayaa soo bandhigtay ciyaar cajiib ah oo ay kaga adkaadeen kooxda difaacaneysa horyaalka Champions League, iyagoo guushii shanaad oo xiriir ah ka gaaray tartanka xilli ciyaareedkan.
Alexis Mac Allister ayaa qaybtii labaad goolka furitaanka u dhaliyay Liverpool, kaddibna Kylian Mbappe ayaa lumiyay fursad uu goolka barbaraha ugu keeni lahaa Madrid markii rikoodhihiisa uu badbaadiyay Caoimhin Kelleher.
Mohamed Salah ayaa isaguna rikoodhe qasaariyay, kahor inta uusan Cody Gakpo dhalin goolka labaad 14 daqiiqo kahor dhammaadka ciyaarta, taas oo Liverpool guusha ku xaqiijisay.
Ancelotti ayaa u sheegay Movistar:
“Waxay ahayd ciyaar adag, sidii aan filaynayba, waana garoonka ugu adag Yurub.”
“Waxaan tartan wanaagsan soo galnay ilaa aan helno rigoodhaha, laakiin intaas kaddib, heerkeennii hoos ayuu u dhacay, waxaana luminay fursado badan oo weerar rogaalcelis ah.”
“Kooxdaydu way i cajabisay, waxaan u tartannay si wanaagsan, laakiin Liverpool waa kooxda ugu adag Yurub, waana u qalmeen guusha.”
Shirkii jaraa’id ee ciyaarta kaddib, Ancelotti wuxuu intaas ku daray:
“Si daacad ah, waa natiijo caddaalad ah. Liverpool waxay u qalmeen inay badiyaan.
“Waqtigaan waxay ku jiraan qaab ciyaareed fiican, waxay u muuqdaan kuwo isku xidhan.”