Liverpool ayaa wajahaysa xaalad halis ah ka hor kulankooda lugta hore ee wareega 16-ka Champions League ee ay la leeyihiin PSG, iyadoo afar ciyaartoy — oo ay ku jiraan saddex xiddig oo muhiim ah — ay halis ugu jiraan inay seegaan kulanka lugta labaad haddii ay jaalle qaataan.
Reds ayaa habeenka Arbacada u safri doonta Paris si ay ula ciyaarto kooxda Paris Saint-Germain, kulankaas oo noqon doona lugta hore ee isreeb-reebka Champions League, iyagoo la balansan kooxda ku guuleysan karta horyaalka Faransiiska.
Haddaba, dhibaato kale oo ay wajahayaan Liverpool ayaa ah in afar ciyaartoy oo muhiim ah ay halis ugu jiraan in la ganaaxo haddii ay jaalle qaataan kulankan.
Ciyaartoydaas waxaa ka mid ah Ibrahima Konate, Alexis Mac Allister iyo Andy Robertson — kuwaas oo dhamaantood la filayo inay safka hore ku soo bilowdaan Arbacada — iyo sidoo kale Harvey Elliott.
Konate, Robertson iyo Elliott ayaa horey laba jaalle ku qaatay heerka group-yada, mana la baabi’inayo jaallayaasha wareega isreeb-reebka inkastoo qaabka cusub ee tartanka lagu daray kulamo dheeraad ah.
Mac Allister ayaa horey u seegay kulankii 1-0 ee ay kaga badiyeen Girona sababo la xiriira ganaax uu ku mutaystay jaallayaal, balse wuxuu mar kale wajahaya halis uu ku seegi karo kulanka haddii uu qaato jaallihiisa shanaad ee tartanka.
Sida ku cad xeerarka UEFA, jaallayaasha waxaa la tirayaa oo kaliya kadib wareega siddeed dhammaadka, taasoo la micno ah in afartan ciyaartoy ay weli halis ugu jiri doonaan ganaax xitaa haddii ay ka badbaadaan qaadashada jaalle kulanka PSG.
Xeerkan oo UEFA ay taageertay ayaa u muuqda mid aad ugu adag kooxaha, maadaama nidaamka cusub ee tartanka lagu daray kulamo badan, taasoo la micno ah inay aad u fududahay in ciyaartoyda ay jaallayaal qaataan.
Inkastoo kooxaha laga filayo inay ilaaliyaan anshaxa ciyaartoydooda si ay uga fogaadaan jaallayaal ama casaanno, haddana waxay u muuqataa mid aan cadaalad ahayn in jaallayaasha ay isbiirsadaan oo keenaan ganaaxyo waaweyn.