Kylian Mbappe ayaa ugu dambayntii shaaciyey inuu ka tegayo Paris Saint-Germain, waxaana uu kusii jeedaa Real Madrid oo bishii February uu lasoo gaadhay heshiis shan sannadood ah oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan Los Blancos, balse uu mushaharkiisu aad uga hoosaynayo midka uu hadda ka qaato Paris Saint-Germain.
Mbappe ayaa ka dhabeeyey ballantiisii ahayd in uu shaacinayo go’aanka mustaqbalkiisa marka ay kooxdiisu ka baxdo tartanka Champions League, taas oo Salaasadii ay Borussia Dortmund kaga reebtay wareegga semi-finalka.
Sida ay warbaahinta kala duwan ee ciyaaruhu sheegtay, Kylian Mbappe oo si xor ah ugu biiraya Real Madrid ayaa waxa uu tanaasul badan ka sameeyey mushaharkii uu ka qaadan jiray PSG oo lagu sheegay in sannadkii uu ahaa £171 milyan oo Gini, waxaana Real Madrid ay siin doontaa mushahar sannadkii ah £12.5 milyan oo Gini oo kaliya.
Waxa kale oo laacibkan ay Real Madrid siin doontaa lacag sare u dhaafaysa £100 milyan oo Gini oo ah lacagta xaqal saxeexa maadaama uu si xor ah ugu soo wareegayo. Waxa kale oo u dheeraan doona, in uu yeelanayo 25% xuquuqda sawirkiisa, waana markii ugu horreysay ee ay Real Madrid ogolaato in ciyaartoy ka tirsan uu saami ku yeesho xuquuqda sawirkiisa oo ay lacago badan ka samayso kooxdu.
Si kastaba ha ahaatee, Kylian bappe oo sannadkii 2017 ay PSG kala soo wareegtay AS Monaco ayaa kula guuleystay lix horyaal oo Ligue 1 ah, isaga oo 306 kulan oo uu u saftay u dhaliyey 255 gool.