Mucjisada goolasha Arsenal ee Chido Obi-Martin oo hore toban gool uga dhaliyey Liverpool hal ciyaar gudaheeda, ayaa mar kale noqday saaxiibka shabaqa, waxaana uu maanta toddoba gool oo wada-socda ka dhaliyey Norwich City.
Chido Obi-Martin oo ay da’diisu tahay 16 jir, isla markaana garaacaya albaabka kooxda koowaad oo uu tababare Mikel Arteta haddaba ka fiirsanayo inuu naadigiisa koowaad ugu yeedho, ayaa qabsaday bogagga hore ee warbaahinta horraantii xilli-ciyaareedkan markii uu 10 gool hal ciyaar gudaheed kaga dhaliyey da’yarta Liverpool.
Weeraryahankan mucjisada lagu tilmaamay, ayaa waxa uu sidoo kale goolal dhawr ahaa ka dhaliyey kooxaha Southampton iyo Crystal Palace.
Sabtidii maanta ayuu Chido Obi-Martin ugu soo bilowday kooxdeeda da’yarta ee safarka ku tagtay Norwich City, waxaana uu daqiiqado kooban ku dhaliyey toddoba gool, waxaana uu qabsaday baraha bulshada oo aad loogaga sheekaysanayaa.
Tababaraha kooxda da’yarta Arsenal oo ah halyeygii khadka dhexe ee Arsenal ee Jack Wilshere, ayaa ammaan ugu qubeeyey laacibkan bishii hore markii uu afar gool ka dhaliyey da’yarta Crystal Palace oo ay Arsenal ku xasuuqday 4-8.
Kaddib wixii uu sameeyey maanta, taageereyaasha Arsenal ayaa dalbanaya in loogu yeedho kooxda koowaad kulamada ka hadhay horyaalka Premier League oo beddel lagu keeno haddiiba ay yimaaddaan kulamo ay gool-dhalintu ku adkaato kooxdooda.