11 ciyaartoy oo dhaawacyo qaba ayaa ka hadhay safarka ay xiddigaha Liverpool ku tageen waddanka Czech Republic, halkaas oo ay kooxdoodu kusoo dheelayso lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Eurpa League.
Reds oo hoggaaminaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxa ka dhaawacmay dersin ciyaartooyo ah, waxaana tababare Jurgen Klopp uu guryahooda kaga tegay 11 ciyaartoy oo aan u raacin safarka ay kooxdaasi ku doonayso inay waqti hore meel sii dhigato rajadeeda ah inay usoo gudbayso wareegga siddeedda.
Maqnaanshaha 11 ciyaartoy ayaa waxa ay ku qasbi doontaa Jurgen Klopp inuu adeegsado ciyaartooyo da’yar ah, laakiin waxa iyagana aan lagu darin ciyaartoyda u safartay Czech ciyaartoyda kala ah Trey Nyoni iyo Amara Nallo oo ah da\yarta kooxdaas oo aan midkoodna loo ogolayn maadaama ay xagaagii kaga soo biireen Leicester City iyo West Ham.
Ciyaartoyda kasoo baxday kulliyadda da’yarta Liverpool ee Bobby Clark, Kaide Gordon, James McConnel, Lewis Koumas iyo Fabian Marozek ayaa raacay diyaaradda ciyaartoyda Liverpool ay ku tageen Czech, sidoo kalena waxa ku jiray Mohamed Salah, hase yeeshee dheemanka weerarka ee Jayden Danns ayaa dhaawac ah oo aan raacin xiddigaha kooxda.
Halkan kaga bogo xiddigaha ka dhaawacan Liverpool iyo waqtiyada ay soo noqonayaan
Mohamed Salah: Kulanka Sparta Prague ee caawa
Jayden Danns: Ciyaarta Man City (H) – March 10.
Alisson Becker: April ama May.
Diogo Jota: Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo
Trent Alexander-Arnold: Dhamaadka March ama horraanta April.
Curtis Jones< Dhamaadka March ama horraanta April.
Ryan Gravenberch:Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo
Thiago Alcantara:Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo
Joel Matip: Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo
Stefan Bajcetic: April.
Ben Doak: Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo