Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxay dooratay saddex ciyaartoy oo ay la saxeexan doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waana laba difaac iyo weerar ay Los Blancos ku xoojin doonto safkeeda, haddii uu qorshahoodu u guuleysto sida ay iyagu u dejisteen.
Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ah qorshaha koowaad ee ay Los Blancos doonayso saxeexiisa, waxaanay wararku sheegayaan in ay heshiis hordhac ah lasii gaadheen oo ay mushaharka, gunnada xaqal-qalinka iyo xuquuqda sawirkiisa oo uu yeelanayo 60%.
Waxa kale oo ay Real Madrid doonaysaa inay la saxeexato difaaca bidix ee Bayern Munich ee Alphonso Davies iyo difaaca dhexe ee kooxda Lille ee Leny Yoro.
Su’aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay in ay kooxdani awood dhaqaale u leedahay inay la saxeexato saddexdan ciyaartoy iyo in kale, waxaana arrintan faahfaahin ka bixiyey madaxweynaha horyaalka LaLiga Javier Tebas.
Waraysi uu Javier Tebas siiyey wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa waxa uu ku sheegay in Los Blancos ay leedahay dhaqaale xooggan, isal markaana haysato lacag ay ku sameeyaan saxeexyada ay doonayaan, inkasta oo uu xusay in ay tahay in la sugo lacagaha ay kasoo bixinayaan ciyaartoydan.
“Alphonso Davies iyo kuwo kale? Anigu ma ogi lacagta ay ku bixinayaan heshiiska Mbappe, laakiin si kastaba Real waxay ku jirtaa xaalad dhaqaale oo wanaagsan. Ma aanay samaynin waxyaabo waalli ah sannadihii u dambeeyey.” Ayuu yidhi Javier Tebas.
Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa ay Real Madrid si xor ah ku heli karaysaa, halka Davies iyo Yoro ay Bayern Munich iyo Lille go’aamin doonaan qiimeyaasha.