Ilaa iyo 10 ciyaaryahan oo ka mid ah kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa laga mamnuucay inay taabtaan calaamada “This is Anfield” ee ku dhegan garoonka kooxda.
Tan iyo markii uu calaamadaas garoonka ku dhejiyay tababarahooda halyeeyga ah Bill Shankly 50 sannadood ka hor, waxay noqotay calaamad caan ka ah dunida kubada cagta. “Calaamadaan waxay xusuusin u tahay ciyaartoydeena kooxda ay u ciyaarayaan, halka ay xusuusineysa kuwa naga soo horjeeda kooxda ay la ciyaarayaan” ayuu Shankly yiri waqtigaas.
Markii uu Klopp tagay Liverpool bishii Oktoobar 2015, waxa uu bedelay micnaha calamaada isagoo ka mamnuucay ciyaartoyda inay taabtaan ka hor inta aysan garoonka gelin.
Waxa uu sharaxaad ku bixiyay: “Waxaan u sheegay ciyaartoydeyda inaysan taabanin caalamada “This is Anfield” ilaa iyo ay koob ku guuleystaan. Waa calaamad ixtiraam mudan. Waxaan taabtay markii aan tababare u ahaa Borussia Dortmund laakiin waxa la inoogala badiyay 4-0.”
Iyadoo Liverpool aysan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo koobkii FA Cup ee ay ka qaadeen Chelsea 2022kii, waxay taasi la micno tahay in ciyaartoyda cusub iyo kuwa da’ yarta ee akadeemiga ka soo baxay inay mamnuuc ka tahay inay caalamada taabtaan.
Darwin Nunez, Cody Gakpo, Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Ryan Gravenberch iyo Wataru Endo ma taaban karaan caalamadaan madaama ay yihiin saxiixyo cusub oo kooxda yimid ka dib 2022kii, halka da’ yarta akadeemiga ka soo baxaya Stefan Bajcetic, Ben Doak, Jarell Quansah iyo Conor Bradley aysan iyagana wax koob ah kooxda la qaadin weli.
Laakiin tani ayaa isbedeli karta marka ay Chelsea la ciyaaraan finalka Carabao Cup dhamaadka bishaan. Dabcan Klopp ayaa ka dhabeeyay balanqaadkiisa isagoo Reds u qaaday Champions League 2019kii markaasoo ciyaartoydii koobkaas qaaday loo fasaxay inay caalamada taaban karaan.