Milkiilayaasha reer Sacuudi ee kooxda Newcastle ayaa bartilmaameedsanaya inay 800 milyan ku iibsadaan AS Roma.
Shirkada Maalgashiga Dowlada Sacuudiga ee PIF ayaa Newcastle iibsaday bishii Oktoobar 2021kii.
Waxayna PIF haatan dooneysaa inay sidoo kale iibsadaan kooxda horyaalka Serie A ka dhisan ee AS Roma sida ay qortay jariirada Talyaaniga ee La Repubblica.
Wadahadalo ayay kula jiraan milkiilayaasha reer Mareykan ee kooxda Roma ee lagu magacaabo Dan iyo Ryan Friedkin, iyadoo PIF la fahamsan yahay inay gudbineyso dalab 768 milyan ginni.
Dowlada Sacuudiga ayaa sidoo kale dooneysa inay kooxda ku maalgeliso 258 milyan ginni kale oo ay ku dhiseyso garoon cusub oo ay yeelato Roma.
Madaxa sharciga ee AS Roma Eric Williamson oo la shaqeeya milkiilayaasha kooxda ayaa lagu arkay magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.
Waxaa la rumeysan yahay inuu wadahadalo kula jiro dowlada Sacuudiga iyo weli shirkad dooneysa in maaliyada Roma lagu xayaysiiyo xilli ciyaareedka danbe.
Shirkada PIF waxay qeyb ka tahay dowlada Sacuudiga, waxaana hantideeda lagu qiyaasaa 1.1 trillion ginni.
Shirkadaana ayaa iska leh saamiga ugu badan ee kooxda Newcastle oo ay ku iibsadeen lacag gaareysa 300 milyan ginni.