Shirkada INEOS oo saami ka iibsatay Man United islamarkaana ka la wareegtay howlaha maamulka kubada cagta kooxda ayaa sheegtay inay ka dhaadhacsan tahay in Manchester United iyo kooxooda kale ee Nice in labaduba loo ogolaan doono inay ka ciyaarayaan Europa League xilli ciyaareedka soo socda.
Kooxda Erik ten Hag ayaa u soo baxday tartanaka Europa League ka dib markii ay ku guuleysteen koobka FA Cup Sabtidii.
Laakiin kooxda Faransiiska ee Nice oo ay sidoo kale leeyihiin shirkada INEOS ayaa iyagana xaqiijistay u soo bixitaankooda Europa League madaama ay kaalinta 5aad uga dhameysteen horyaalka Ligue 1.
Si kastaba, INEOS oo leh boqolkiiba 27.5 milkiyada Man United ayaa kalsooni ku qabta in labada kooxood loo ogolaan doono inay ka ciyaaraan tartanka ka dib wadahadal ay la yeesheen UEFA.
Bayaan ay soo saartay INEOS ayaa lagu yiri: “Waan ka warqabnaa booska ay ku jiraan labada kooxood, waxaana wadahadalo toos ah kula jirnaa UEFA.
“Waxaan inaga dhaadhacsan in xal u heyno xilli ciyaareedka danbe tartanka Europa League.”
Waxaa jirtay cabsi ku saabsan in Red Devils loo rido Europa Conference League madaama Nice ay ku dhameysatay booska ka sareeya booskiisa ay United uga dhameysatay horyaalka Premier League ee kaalinta 8aad.
Laakiin waxay u muuqataa in United ay hishiis la gaartay UEFA madaama milkiyada INEOS iyo Sir Jim Ratcliffe ay ka hooseyso boqolkiiba 30 oo ah saamiga ay UEFA u xisaabiso lahaanshaha koox.