Marcus Rashford ayaa shaaciyay inuu muddo isbuucyo ah fasax ka qaadan doono baraha bulshada ka dib xilli ciyaareed adag oo soo maray.
Weeraryahanka Manchester United ayaa go’aankiisa ku shaaciyay barta bulshada ee X ee loo aqoon jiray Twitter.
Xiddiga Premier League ayaa xusuusiyay taageerayaasha Man United ee dhaleeceynayay inay mar walba isku duubni muujiyaan.
Wuxuu qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii aan baraha bulshada ka bixi lahaa muddo isbuucyo ah.
“Waxaan qorsheynayaa inaan nasto oo aan maskaxda dejisto ka dib xilli ciyaareed adag oo si shaqsi ahaan ah iyo mid wadareed ahba aan u wajahnay.
“Waan u mahadcelinayaa taageerayaasha i garab istaagay waqtigii adkaa.
“Kuwa aan i garab istaagin waxaan xusuusinayaa in Man United aan mar walba nahay kuwa isku duuban.”
Rashford ayaa ku soo bilowday finalkii FA Cup ka dib markii uu dhowr kulan ku seegay dhaawac.
Wuxuuna qeyb libaax leh ka qaatay ciyaarta iyadoo kooxdiisa ay 2-1 ku garaacday Manchester City ciyaartii Wembley ee Sabtida.
Inkastoo Rashford uu ka baxay baraha bulshada muddo isbuucyo ah waxaan weli la hubin mustaqbalkiisa Man United iyadoo dhawaanahaan lala xiriirinayay kooxda PSG.