Todd Boehly ayaa laga yaabaa in laga qaado xilka gudoomiyaha Chelsea taasoo qayb ka ah heshiis cajiib ah, sida lagu sheegay warbixin cusub.
Nin reer Mareykan ayaa xilkaas hayay tan iyo markii isaga iyo shirkada Clearlake Capital ay iibsadeen kooxda ka dhisan Stamford Bridge sanadkii 2022-kii.
Waxa uu ogolaaday in Chelsea ay suuqa kala iibsiga ku qarashgareyso in ka badan hal bilyan ginni, wuxuuna ka dhaxlay kaliya in Carabao Cup laga qaado kooxdiisa.
Thomas Tuchel iyo Graham Potter ayaa labadaba laga eryay shaqada tababarenimo mudadii uu ahaa gudoomiyaha kooxda, halka Mauricio Pochettino uu ku guuldareystay inuu isbedel ku sameeyo kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Boehly waxaa laga yaabaa in aanu sii hayn xilkiisa guddoomiyenimo muddo dheer ka dib markii la shaaciyay faahfaahinta hishiiskii ay wada galeen isaga iyo shirkada kooxda la iibsatay ee Clearlake Capital.
Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in mulkiilayaasha Chelsea ay isku wareejin karaan gudoomiyenimada shantii sannaba mar, halka sidoo kale ay ikhtiyaar u leeyihiin inay shaqada gudoomiyenimada wadaagaan.
Shirkada Clearlake Capital waxaa wada leh Behdad Eghbali iyo Jose Feliciano, waxayna fursad u heli doonaan inay gudoomiye kooxda ka noqdaan ama shaqsi kale oo iyaga matala u magacaabaan marka la gaaro 2027ka.
Warbixinta Telegraph ayaase lagu sheegay in hishiiskaan uu yahay mid ikhtiyaar ah oo aan qasab aheyn, taasoo la micno ah in shirkada Clearlake Capital ay dooran karto in Boehly uu gudoomiyaha sii ahaado shan sanno kale marka la gaaro 2027ka.