Mikel Arteta ayaa sharaxaad ku bixiyay in sababtii uu u bedelay Bukayo Saka waqtigii nasashada inay aheyd in xiddiga Ingariiska uu xanuunsaday oo uu xumad dareemayay.
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa xasuuq lix gool ah u geysatay kooxda Sheffield United oo marti loo ahaa waxayna sii nooleeyeen rajadooda hanashada Premier League.
Saka ayaa waxaa bedelay Fabio Vieira waqtigii nasashada inkastoo uusan u muuqan inuu dhaawac soo gaaray qeybtii hore ee ciyaartii Bramall Lane.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ka dib ciyaarta, Arteta ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii uu u bedelay xiddiga Ingariiska isagoo sheegay in Saka uu xanuunsaday.
“Bukayo waxa uu dareemayay xumad, ma aheyn mid caafimaadkiisa uu fiicnaa” ayuu yiri tababaraha reer Spain kaasoo sidoo kale u bixiyay Gabriel Martinelli in daqar yar uu gaaray.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Gab meel yar ayaa jeexantay, waana arki doonaa sida ay xaaladiisa noqoto.”
Natiijadaan ayaa keentay in Arsenal ay labo dhibcood ka danbeysa kooxda kooxda kaalinta 1aad ku jirta ee Liverpool iyadoo Manchester City ay u dhaxeyso labada kooxood.
Sidoo kale Arsenal ayaa sii wadata goolasha badan ee ay ku badineyso, waxayna dhaliyeen 31 gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.