‘Weli ma fahmin sababta Liverpool ii ceyrisay– waligay ma aanan filayn inaan ka tagi doono.’
Goolhayahii hore ee Liverpool, Sander Westerveld, ayaa ka baxay dookha koowaad ilaa uu noqdo midka afaraad sanad gudihiis, waana mid uusan weli fahmin sababta.
Westerveld oo Dutch ah ayaa beddelay David James markii uu yimid Anfield sanadkii 1999, isagoo noqday goolhayihii ugu qaalisanaa taariikhda Britain markaas, isagoo Liverpool ugu soo biiray £4 milyan.
Westerveld oo labo sano ku sugnaa Merseyside ayaa ahaa goolhayaha dookha koowaad ee Gerard Houllier, isagoo xilli ciyaareedkii 1999/2000 Premier League-ga laga dhaliyay goolal tiro yar. Intaa waxaa dheer, wuxuu ciyaaray door muhiim ah isagoo Reds ka caawiyay in ay ku guuleystaan saddex koob oo heer sare ah sanadkii 2001, wuxuuna noqday halyeygii finalka League Cup-ka ee ay la ciyaareen Birmingham City.
“Waan ogahay wixii dhacay, laakiin weli ma fahmin,” ayuu Westerveld yiri, oo ah goolhayaha keliya ee u ciyaaray Liverpool iyo Everton kadib markii uu amaah ku aaday Goodison Park 2006.
“Laga bilaabo maalintii ugu horreysay, Houllier wuxuu ii sheegay aniga iyo saxaafaddaba in ay waqti u baahan tahay in aan la qabsado horyaalka Ingiriiska. Sida caadiga ah, waxaa la ii dhaliilay sida goolhayayaasha oo dhan loo dhaliilo. Waxaa i saarnaa cadaadis weyn.
“Hal khalad ayaan sameeyay,” ayuu Westerveld ku daray. “Kadib, waxaan aaday xulkeyga qaranka, Liverpool-na waxay iibsadeen labo goolhaye halkii ay mid iibsan lahaayeen. Taasi waxay ii ahayd dhabar jab weyn.
“Waligay ma aanan filayn in aan Liverpool ka tago. Marwalba waxaan lahaa kalsooni badan. Waxaan ogaa waxa aan sameynayay. Goolhayayaasha oo dhan khaladaad way sameeyaan, laakiin aniguba dhibco ayaan koixda u keenay.
“Haddii ay hal goolhaye kaliya keeni lahaayeen, xitaa Dudek, weli waxaan u dagaalami lahaa booskeyga. Qofna ma oga waxa dhici lahaa. Laakiin markii ay labo goolhaye iibsadeen, ayna xitaa safarka Champions League kaa reebaan adigoo ah lambarka seddexaad, waxaad ogaataa inaad tahay lambarka afaraad.
“Laga bilaabo lambarka koowaad ilaa afaraad. Taasi waxay ahayd riyo xun. Ma jirin wax aan sameyn karo. Fursad iguma aysan siin inaan soo laabto, waxeyna iga dhigeen mid aad u liita. Waxaan u arkayay inay aad u adagtahay in la i tuuro, laakiin maxaad sameyn kartaa? Waxyaabaha noocan oo kale ah ayaa kubadda cagta ka dhaca.”