Tababaraha kooxda kubadda cagta Arseal ee Mikel Arteta ayaa u ballan-qaaday xiddig ka tirsan kooxdiisa, in uu qayb ka noqon doono qorshihiisa xilli-ciyaareedka oo uu fursad siin doono, waxaana uu meesha ka saaray wararka sheegaya in laacibkani uu ka tegayo Emirates Stadium.
Arteta oo saxaafadda la hadlay ka hor ciyaarta Liverpool ee Axadda ee wareegga saddexaad ee FA Cup, ayaa waxa uu sheegay in xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe uu siin doono fursad oo uu ciyaari doono, inkasta oo 23 jirkani uu hal kulan oo Premier League ah oo kaliya uu kusoo bilowday xilli-ciyaareedkan.
Smith Rowe oo dersin ciyaaro ah kaga maqnaa dhaawac jilibka ah ayaa markii uu soo laabtay waxa uu noqday beddel aan la isticmaalin, waxaana maalmihii ugu dambeeyey la isla dhax-marayay inuu ka tegayo kooxda, iyadoo ay doonaysay Newcastle United bishan January.
Laakiin Mikel Arteta oo wax laga weydiiyey mustaqbalka laacibkan iyo haddii uu tegayo ayaa yidhi: “Qorshahayaga marnaba kuma jirto in aanu iibino ama si kale u dirno.”
Waxa uu intaa ku daray: “Qayb weyn ayuu ka yahay qorshahayaga xilli-ciyaareedkan, waanu ciyaari doonaa hadda, annaguna samir ayaanu u leenahay. Waa uu heli doonaa fursaddiisa.”