Robert Lewandowski oo ay tababareyaal usoo noqdeen Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola waqtiyadii uu u ciyaarayay Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaa magacaabay midkooda wanaagsan, isaga oo ka jawaabay su’aal gubaysay taageereyaasha labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City ee maanta ku ballansan Anfield.
Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayuu xafiiltankoodu kasoo bilowday horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, waxaanay mar kale kasii amboqaadeen horyaalka Premier League, balse maanta ayaa ugu dambaysa inay ciyaar Premier League ah iskaga hor yimaaddaan, sababtoo ah Jurgen Klopp ayaa bixi doona dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Labadan tababare oo lagu tilmaamo inay ka mid yihiin kuwii ugu fiicnaa ee abid soo maray kubadda cagta, ayaa mid walba uu halgan ugu jiraa in xilli-ciyaareedkan uu kusoo xidho horyaalka Premier League iyo koobab kale oo uu ku guuleysto.
Sagaal sannadood oo uu joogay Merseyside, Jurgen Klopp ayaa u qaaday Premier League, Champions League, FA Cup iyo League Cup, iyadoo sannadkii 2020 uu soo afjaray abaartii Liverpool ka haysatay horyaal la’aanta ee 30ka sannadood taagnayd.
Lewandowski oo ka mid ah ciyaartoyda tirada yar ee ay tababareyaasha usoo wada noqdeen Klopp iyo Guardiola ayaa waxa uu labadoodaba lasoo gaadhay guulo waaweyn.
Weeraryahanka reer Poland ayaa 186 ciyaarood u saftay Borussia Dortmund oo uu u dhaliyey 102 gool iyadoo uu Jurgen Klopp tababare u yahay, halka Bayern Munich uu u dheelay 100 kulan oo uu saxeexay 67 gool intii uu Guardiola tababaraha u ahaa.
Warbaahinta ESPN ayaa sannadkii 2020, waxa ay Robert Lewandowski weydiisay su’aal ahayd midka fiican Klopp iyo Guardiola, waxaana uu ku jawaabay: “Waxay ila tahay Jurgen Klopp ayaa ka wanaagsan aniga aragtidayda. Klopp ayaa fiican 100%, waxaanu leeyahay laba waji.
“Waxa aad arkaysaa isaga oo kuula dhaqmaya sidii uu aabbo kuu yahay oo kale, wajiga labaadna waxa uu kuula dhaqmayaa sidii tababarenimo. Waxa aad u sheegi kartaa wax kasta, hadda kama hadlayo waxyaabaha wanaagsan, balse waxyaabaha aan fiicnayn oo dhan ayaad kala hadli kartaa. Sidoo kale, ciyaartoyda ayuu aad u dhiirigeliyaa.
“Waxa uu yaqaanaa sida wax walba ku saxmayaan, waxa uu yaqaanaa illaa laynka ugu dambeeya ee uu ku riixi karayo, amaba halka ugu sarraysa ee aad gaadhi karayso. Bandhiggiisa tababarenimo waa mid cajiib ah, ma aha tababare oo kaliya, laakiin sidoo kale waa shaqsi fiican.”